Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa ka fuliyay Degmada Dharkeenley iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Duufaan ee NISA ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ku qabteen laba Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo muddo lagu raad joogay, isla markaana xogtooda ay hayeen Ciidamada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha la qabtay ay kala ahaayeen Sarkaal ka tirsan Amniyaadka iyo mid ka midda Saraakiisha Miina aasa ee Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo kala qabtay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Weedow.
” Waxaa boggaadin mudan shacabka Soomaaliyeed oo si wanaagsan Sirdoonka ula shaqeeyey, xogta Saraakiishaana la wadaaga laamaha Sirdoonka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Ciidanka Duufaan ee NISA.
Habeen ka hor ayay aheyd markii Ciidanka hubeysan ee Duufaan ee NISA howlgal ay ka sameeyeen Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshiid iyo degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Saddex Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.