Taliban oo heshiisiinaysa dawlada Pakistan iyo Ururka Talibanta Pakistan.

4

Ururka hubeysan ee qabsaday talada dalka Afghanistan ee Taliban ayaa sheegay inay dhex dhexaadinayaan dawlada Pakistan iyo Urur kale oo hubeysan oo ka dagaalama dalka Pakistan.

Wasiirka arrimaha dibbadda xilligaan ee dalka Afghanistan Amiir Khan Mutaqi ayaa sheegay inay isku keenayaan dawlada iyo ururka Talibanta
Pakistan ee TTP la yiraahdo kuwaasoo ka dagaalama gudaha Pakistan.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay in wada hadalada hadda bilowday ay ka rajaynayaan inuu guul ku dhamaado labada dhinacna ay aqbaleen inay isa
soo hor fariistaan.

Ujeedka ayuu ku sheegay Amiir Khan oo arrimaha dibbadda u qaabilsan ururka Taliban in xal laga gaaro colaada xaduuda labada dal u dhaxaysa.

Bishii hore R/wasaaraha Pakistan Cimran Khan ayaa sheegay inuu jiro dadaal ay wada hadal nabadeed kula galayaan ururka Talibanta Pakistan ee TTP la yiraahdo.