RW Rooble oo kulamo lala leh Madaxda Galmudug

10

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo lala leh madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa kamid ah safarro la filayo in uu ku gaaro magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka.