Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Liverpool iyo UK oo ka hadashay.

16

Ciidanka la dagaalanka argagaxisada ee dalka Ingiriiska ayaa maanta seddax qof u xiray gari taksi ah oo ku qarxay goob kasoo horjeeda isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Liverpool ee waqooyiga dalka UK.

Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninkii saarnaa gaariga taksiga ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray darawalkii waday gaariga. Iyadoo dadkaan ayaa la sheegay in lala xiriirinayo qaraxaas ka dhacay Liverpool.

“Rakaab tagsiga raacay ayaa lagu tuhunsantahay inuu sameeyay walxaha qarxa, kaas oo sababay qaraxa,’ ayuu yiri Madaxa La-dagaalanka argagaxisada ee waqooyi galbeed Russ Jackson.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu fahamsan yahay in dareewalkii waday Taksiga uu qof rakaab ah ka soo qaaday wadada Rutland Avenue, oo u dhow Sefton Park, waxuuna codsaday in la geeyo Isbitaalka haweenka ee magaalada Liverpool.