Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

3

Dagaalka oo sida la sheegay geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu  degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ee degmada Xudur ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Dhanka kale ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa howlgallo kasameeyay degaannada Mad-Waraabe iyo Farag oo 7 km duleedka kaga beegan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9aad qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Cali Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in Ciidamada oo ka jawaabaya weerarkii Al-Shabaab ay qasaaro xoogan gaarsiiyeen, isla markaana ay ka dileen Shan dagaalame lix kalena ay ka dhaawaceen

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerareen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo muddo Toban sano ka badan u go’doonsan, waxaana dadka ku nool ay wajahaan dhibaatooyin kala duwan.