Ciidamada Dowladda Oo ka hortagay weeraro ay doonayeen in Alshabaab Ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe

3

War Ka soo baxay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in jab xoogan ay gaarsiiyeen Kooxda Al Shabaab oo isku dayay in weeraro Xooggan ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Ciidanka Dowladda ayay saraakiisha sheegeen in ay u diyaarsanaayeen ka hortaga Weerarada ay ku soo qaadaan Dagaallameyaasha Alshabaab.

Warka Ka soo Dowladda Soomaaliya Ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dileen 5 ruux oo katirsanaa Alshabab iyadoona gacanta ay ku dhigeen hubkii ay wateen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaaa sheegay in ciidanka xoogga dalka markasta u diyaarsan yihiin ka hortaga Weerarada ay markasta geestaan Alshabaab.