RW Rooble oo guul ku tilmaamay Doorashadii labada kursi ee ka dhacday Dhuusamareeb.

2

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya war qoraal ah oo kasoo baxay ayaa looga hadlay Doorashadii labada kursi ahayd  ee aqalka sare oo maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in guul weyn ay tahay doorashadii maanta soo idlaatay Golaha Aqalka Sare ee BFS. Isagoo bogaadiyay senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha, Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada.

“Waa guul weyn in ay maanta soo idlaatay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee BFS
Waan bogaadinayaa senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in ay ka war dhowrayaan in dowlad goboleedyada ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka.

RW Rooble Wuxuu yiri “Waxaan sugnaaba waa in dowlad-goboleedyada oo dha