Galmudug oo maanta soo dhameystirtay Doorashada xubnihii aqalka sare ee BFS.

2

Doorashadii aqalka sare ee labada kursi ahayd ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa goordhow lasoo gabagabeeyay, iyadoo xubnii afarta musharax ahaa ee kasoo baxeyn labo xubnood.

Kursiga koowaad waxaa ku tartamayay musharaxiinta  kala ah Gen Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cawil Nur Cali, Waxaana tartanka isaga haray oo  is casilay musharax Cawil Nuur Cali.

Kala Fadhiga Baarlamaanka Galmudug oo ku qabsoomay 83 Xildhibaan ayaa waxay cod gacan taag ah ku doorteen Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).iyadoo dhamaan  xubnaha Baarlamaanka Galmudug  ay codkooda kalsoonida siiyeen Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid).

Kursiga labaad ayaa isana waxaa ku tartamayay Senator Cabdi Cusmaan Xareed, kaas oo ku guuleystay kursigii ugu danbeeyay doorashada Golaha Aqalka Sare BFS, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay.

Sidoo kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdi Cusmaan Xareed.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo gabagabeesay doorashada xubnihii Aqalka Sare ee BS, iyadoo la filayo in ay guuda gasho doorashada xubnha aqalka hoose ee Galmudug kasoo galaya Baarlamaanka Soomaaliya.