RW Rooble iyo Shiikh Shariif oo ka wada hadlay Doorashada Golaha Shacabka

6

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Rooble ayaa maalmahan waday kulamo looga hadlayay dedejinta howlaha doorashooyinka, iyadoo xalay kulan la qaatay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.