Galmudug oo DFS iyo Beesha Caalamka ugu baaqday in loo gurmado shacabka ku nool deegaanada Galmudug

5

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM ooku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.