Howlgalka oo ay iska kaashadeen maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada Baladweyn iyo ciidamo wadajir ah oo ka howlgla galbedka iyo koofurta , waxaa intii uu socday ay ciidamada isku ballaariyeen Deegano dhowr ah oo ay kamid yihiin Deeganka ceelka baar, Biitale Jaaburow iyo degano kale.
Gudomiyaha dagmada Balad weyne Cusmaan dhicisow dhubow ayaa ciidamadaasi ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Gudomiyaha ayaa sheegay in deegaanadaasi ay gaareen ciidamada ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay In hey’adah sama falka iyo shrkadaha hormuud iyo dahabshiil in ay gurmad u sameyaan dadkaasi oo la ildaran abaaro.