Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wefdi uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,Wasiiro iyo Odayaal dhaqameedyo la filayo in maamlmaha soo aadan ay gaaraan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu wato labo qorsho oo kala ah haddii Garbohaarrey loo diido wefdigooda inay diidaan doorashada Garbohaarrey lagu wado in lagu qabto , balse haddii loo ogalaadana ay saameyn taban ku yeelan donan kuraasta 16-ka xildhibaan ee lagu dooran doono degmadaaasi.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wefdiga ka tagaya Magaalada Kismaayo ay magacaabi doonaan maamulka cusub ee degmada Garbaaharey, kadib markii ay kulamo la tashiyo ay la qaataan bulshada qeybaheeda kale duwan.