Sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada DF

11

Taliska Ciidamada xoogga ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sargaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa ninkaan magaciisa ku sheegay
Cusmaan Cadow Xaaji oo Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadaha

Waxaa uu ka qeyb galay Dagaalo dhowr ah oo ka Dhacay Gobolada Gedo, Baay iyo Qeybo ka Mid ah Wadanka Kenya, isaga oo la soo goostey Qori AK47 iyo Booshkiisa.

Sargaakan ayaa sheegay in xiriir la soo sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga, sidaasina uu ku yimid magaalada Diinsoor.