Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay bixinta Ruqsadaha Duulimaadyada

4

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaaddada duulimaadyada hawada iyo ruqsadaha duuliyenimo Guddoonsiiyay shirkadda diyaaradaha ee Freedom Air iyo duuliyeyaal Soomaaliyeed, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad uu ku daahfurayay bixinta Shahaadooyinka Duullimaadyada hawada (OAC) oo ay bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Waaxda duulimaadka soo celinta ruqsad bixinta diyaaradaha oo ahayd sumad muhiim u ah nidaamka dowladnimo.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay ganacssatada iyo shirkadaha ka shaqeeya dalka in ay qaataan ruqsadda, si ay uga maarmaan wadamadii kale ee shatiyada siin jiray.

Diyaaradaha iyo duuliyeyaasha Ruqsadaha la siinayo ayaa isugu jira kuwa ka shaqeeya gudaha dalka iyo dibeddiisa, taasoo ay ka muuqanayso sumadda diiwaangelinta Soomaaliya.