Xasan Sheekh oo markale ku baaqay in la dedajiyo arimaha doorashooyinka Dalka.

1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay In lafuliyo qodobadii lagu hashiiyay ee ku saabsan arimaha doorashooyinka Soomaaliya .

Waxaa sidoo kale Madaxwenaha uu sheegay in maalin maalin kadambeysa waqtiga uu is gurayo isa goona mar kale ku baaqay in la fududeeyo dar dar gelinta Doorshooyinka Soomaaliya .

Madxweyne xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in aan loo baahnayn in talada dalka ay noqoto mid la iska joogo iyada oo aan la qabanayn wax doorasho ah arrintaa ay keeni karto culaysyo badan.

Intaas waxa uu ku daray hadalkiisa in dhaqanka suuban ee soomaalidu ay sal u tahay in 4tii sanaba la doorto madaxda dalka si dalka uu uhelo xasilooni siyaasadeed iyo horumar.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan lafilayo in magaalooyinka dalka ay ka bilowdaan Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya .