Shir looga hadlayo mustaqbalka Ciidmada Amisom oo ka dhacaya Muqdisho.

1

Waxaa Saacadaha Soo socda lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay kulan muhiim ah ku yeeshaan Wafdi kasocda Golaha Ammanka, Midowga Africa iyo Dowladda Soomaaliya .

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa kawada haldaya sidii AMISOM ay uga bixilahayd Soomaaliya dabayaaqada sanaadkaan, islamarkaana awoodda Amniga ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Milatariga ee Soomaaliya .

Horay ayaa waxaa loogu Hashiiyay in AMISOM Soomaaliya is kaga baxdo arrintaas ayaa waxaa ka horyimid oo warbixin soo saaaray Guddi madaxa bananan oo midwga afrika ka tirsan kuwaas oo sheegay in ciidanka Soomalida aan u diyaar saneen la wareegidda Amniga dalka.

Durba dowladda arrintaas ka carootay ayaa dalbatay in loo soo diro guddiga xaqiijiya Amniga Soomqaliya si ay u baxaan intaa kadib AMISOM waana sababata keentay wafdiga yimid maalita shalay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga biyo diidan qorshe uu dhowaan meel-mariyay Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika, kaas oo dhigaya inay Soomaaliya ka howlgalaan sanadka 2022 ciidammo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa, iyadoo doonaysa in la fuliyo istiraatiijiyada mustaqbalka dhow ay ciidanka Soomaaliya kula wareegayaan Amniga dalka, ugana baxayan AMISOM.