Jubbaland oo Hay’adda FAO kala hadashay Arrimaha abaaraha

6

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay madax katirsan ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO.

Intii uu kulanka socday ayaa warbixin laga dhageyatay Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Jubbaland Mudane C/raxmaan Cabdi Axmed isagoo ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee Jubbaland gaar ahaan saameynta abaaraha ay ku yeesheen Bulshada reer Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Gargaar, maareynta & Musiibooyinka Jubbland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in kulanka lagu falan qeeyay dardar gelinta wadashaqeynta Hay’adda FAO iyo Maamulka Jubbland iyo sidoo kale si weyn looga hadlay marxalada adag ee abaaraha kajira degaannada Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa isla qaatay in la iska kaashado sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha bulshada reer Jubbaland.