Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ku dhawaaqay natiijada Kursigii aqalka Hoose ee muranka ka taagnaa.

13

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta soo saaray jawaab in mudaa laga sugaayay oo ku aadanaa dacwo ay hore u sheegeen in ay kaga timid mid ka mid ah labadii kursi ee dhawaan doorashadoodu Aqalka Hoose ka dhacday muqdisho ee Gobolada waqooyi(Somaliland) kaas oo uu ku tartamayay Ra’iisulWasaare Ku-xigeenka dalka Mahadi Guuleed.

Guddiga Xallinta ayaa shaaciyay  In Hanaanka loo maamuley doorashada Kursiga HOP #239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan Habraacii loo dajiyay Doorashooyinka dadban 2020/2021, sidaas darteedna ay ku wargalinayaan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Her Federal (GHDHF) in ay u fasaxan yihiin ku dhawaaqista natiijada kursiga Hop #239.