DFS Oo Go’aan Culus Kasoo Saartay Lacago Gobalka Banaadir Uu Horay Ugu Soo Rogay Ardeyda

16

Wasaaradda waxbarashada oo meesha ka saartay kharashaad uu gobolka Banaadir kusoo rogay ardeyda

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay kharashaad xad-dhaaf ahaa oo maamulka gobolka Banaadir kusoo rogay ardeyda, iskuulada iyo adeegyada aasaasiga ee waxbarashada taas oo cabasho laga muujiyay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda waxay sidoo kale sheegtay in hantida ma guurtada ee goobaha waxbarashada ay mas’uul ka tahay wasaaradda isla markaana aysan cid kasta iska maamulan karin.