Axmed Madoobe oo Safiirka Denmark kala hadlay Arrimaha Abaaraha & doorashooyinka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa  Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke.

Kulanka ayaa lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubbaland kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha iyadoo gurmad baaxad leh ay Dowlada Jubaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Waxaa kale oo masuuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arimaha Doorashooyinka guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar aan horay loo sii shaacin kujooga Kenya ayaa la filayaa in mas’uuliyiin kala duwan uu kula kulmo halkaas.