Ahlu Sunna oo sheegtay in xalka Galmudug uu ku jiro in la wada fadhiisto.

1

Hoggaamiyaha sare ee Kooxda Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay qorshahooda ku aadan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Macalin Maxamuud mar uu wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Ahlu Sunna ahaan ay Galmudug u deynayaan madaxweynaha maamulkaas, islamarkaana ay ayaga leeyihiin xilka Ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu yiri ”Xalka Galmudug wuxuu ku jiraa in la wada fariisto, hadii la diidana anaga shaqadeena uma joojineyno oo howsheena waan wadaneynaa dadka isku daya inay na soo weeraraana waan iska difaaceeynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.”

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay dagaalkii ku dhexmaray degmada Guriceel ayaga iyo ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug, isagoo nasiib daro ku tilmaamay dagaalkaas oo khasaare badan dhaliyay, iyadoo uu xusay in ayaga weerarka dagaalkaas lagu soo qaaday.

“Guriceel waa gurigeenii, Dhuusamareeb waa gurigeenii aniga kula hadlaya ayaana ku dhashay Sheekh Shaakir baa ku dhashay xagey ka imaataa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaan, dowlad ma tahay marka horeba” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Wuxuu tilmaamay in hadii ay waayaan cid ay la hadlaan ay sii wadi doonaan dowladnimadooda u gaar ah islamarkaana la dagaali doonaan cid kasta oo ka hor timaata.