Banaanbaxyo Waaweyn Oo Maanta Ka Socda Magaalada Jigjiga

1

Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Jabhadda hubeysan ee Tigray-ga oo dagaal ku jirta Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya.

Kummanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Jigjiga, iyagoona taageero u muujinaya howlgalka Ciidanka Itoobiya ay kula dagaalamayaan Jabhadda Tigray-ga oo ku dhawaatay Magaalada Caasimadd ah ee Addis Ababa.

Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin “Waxaan taageersanahay howlgalka Ciidanka Qaranka, ma iloobeyno weerarkii wuxushnimada ahaa ee TPLS ku qaaday Waqooyiga dalka”, waxaana dadka sidoo kale ay wataan Sawiradda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale dadweynaha isugu soo baxay waddooyinka Jigjiga ayaa sheegaya in aysan aqbaley in Tigray gudaha u gasho Magaalada Addis Ababa, isla markaana ay taageerayaan Ciidanka Itoobiya, ayna iska difaaci doonaan TPLF.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF, Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluu