Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Guddoomiye Mursal

10

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen iyo Guddoomiye Mursal ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac dhexmaray uu isugu jiray qado sharaf iyo kala warqaadasho.

Inta uu sidoo kale socday kulanka oo saacado dhowr ah qaatay ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo maalmo kahor ka bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada arrinsadeen qabsoomida doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaaban doonta Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Baraawe.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona kulamo kala duwan la qaatan doona Mas’uuliyiin kale.