Qeybo kamid ah ismaamulka Mandheera oo uu Ayax ku habsadey

7

IsMaamulka Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa walaac xoogan ka muujiyey Ayax ku habsadey deegaano uu dhawaan roob ka da’ay, oo ay dad badan u naq doonteen.

Guddoomiye Kuxigeenka is maamulka Mandheera, Maxamed Axmed (Caaraay),  ayaa BBC-da u sheegay in Ayaxan uu kayimid dhanka Itoobiya, dabadeedna deegaankan uu kusoo galey si lama filaan ah.

Guddoomiye kuxigeenka, ayaa u gudbiyey dadweynaha Waqooyi Bari Kenya, digniin la xiiirta Ayax la sheegay dhawaan in uu dhinac u dhaafey Kenya, inuu haatan soo noqdey.

Deegaanada uu ku habsadey Ayaxa waxaa kamid ah Oola, Juruqu iyo Huruudo, wuxuuna saameeyay dad iyo duunyo kunool degaannadaas.

Dhowr jeer ayaa Ayaxa waxaa uu ku habsaday degaano badan oo kuyaal dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana qeylo dhaan kasoo yeertay dowladahaas gurmad u sameeyay hay’adaha la dagaalanka Ayaxa.