Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga jawaabay hadalkii Maamulka Puntland

2

Kadib markii todobaadkaan gudhihiisa Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ay dalbadeen in Somaliland lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagaxisad ayaa waxaa warkaas ka jawaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muiuse Biixi oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay  Sannad Guurada 28-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in ay layaab ku noqotay hadalka kasoo yeeray Golaha Wakiilada Puntland, sidoo kalena aysan garaneyn sababta ku kaliftay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Somaliland ay ka Shaqeyneyso sidii dadka Soomaaliyeed ay u heshiin lahaayeen, sidoo kalena ay u duceeynayaan, wuxuuna sheegay in Puntland aysan ka fileyn warkaas uuna yahay meel ka dhac.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in warka kasoo yeeray Golaha Wakiilada Mamulka Puntland uusan aheyn mid ay la qabaan Shacabka, waxaana madaxda Puntland uu ka codsaday inay nabad ku wada noolaadaan maadaama ay yihiin dad aan kala maarmi karin oo hal cadow leh.

Hadalkii dhawaan kasoo yeeray Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa uu hadal heyn balllaaran ka dhex abuuray gudaha Maamulkaas, iyada oo dadka qaar siyaabo kala duwan ay uga hadleen.