Rooble oo madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay in la bilaabo doorashada golaha shacabka

13

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray doorashada golaha shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Qoraalka Rooble ayaa ku yiri ”Waxaan hambalyo u dirayaa
1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo
2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.”