Dad Aad Ugu Dhawaa Cumar Al-Bashiir Oo Xabsi Ku Yaalla Khartuum Laga Sii Daayey

2

Hoggaamiyeyaasha sida afgembiga ah kula wareegay awoodda Suudaan ayaa xabsiga kasii daayay dad ay isku dhawaayeen Madaxweynihii hore dalkaas Cumar Al Bashiir oo isagu qudhiisa xiran.

Saraakiisha ayaa waxaa ay shaqada ka eryeen dacwad oogaha guud ee Suudaan.

Waxaana kamid ah dadkan lasii daayay madaxii hore ee xisbiga haya talada Suudaan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Ibraahim Ghandour.

Xarumaha ganacsiga ayaa xiran magaalada Caasimadda ah ee Khartoum kadib afgembigii dalkaas ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Waxaana socdaa wadahadallo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobey oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda.