Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay Joe Biden

0

Madaxweyniyaasha Turkiga iyo Mareykanka Racep Tayyip Erdogan iyo Joe Biden ayaa ku kulmay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga halkaas oo lagu qabtay shirka 20 dal ee dunida ugu hodansan ee loo yaqaano G-20.

Waa kulankii ugu horeeyay ee labadan hogaamiye ee ka wada tirsan Xulafada NATO ay yeeshaan tan iyo markii xafiiska yimid madaxweyne Biden 20 Janaayo ee sanadkan 2021.

Xiriirka Ankara iyo Washington ayaa hadda maraya meeshii ugu adkeyd, ayagoo isku haya arrimo ay kamid yihiin; gentaalada S-400 ee Turkiga ka soo iibsaday Russia, taageerada Mareykanku siiyo kooxda YPG ee Kurdiyiinta ah iyo arrimo kale.