Wasiirka Xannaanada Xoolaha XF oo Sacuudiga kala hadlay xayiraada saaran xoolaha Soomaalida

3

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha XFS, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Bii’ada, Beeraha, Xoolaha iyo Biyaha Sacuudiga, Abdulrahman Al-Fadhli.

Laba wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Waddan, gaar ahaan wadashaqaynta  labada Wasaaradood iyo sidii si rasmiya xayiraadda looga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo dalka Sacuudiga, loona gaari lahaa Xal waara.

Mas’uuliyiin iyo qubaro ka socday labada wasaaradood ayaa shir gaar ah ka yeeshay sidii si rasmiya ah xayiraadda looga qaado dhoofka Xoolaha Soomaaliyeed, dhinaca Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalay Agaasimaha Guud Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka xannaanada Xoolaha Soomaaliya wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaatay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Madaxa Hay’adda Maalgelinta dibadda ee xoolaha Sacuudiga, ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Afrika, Dr. Mansur Mukhtar, isaga oo kala hadlay sidii loo taageeri lahaa xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Bangiga Islaamka, isaga oo kala hadlay dhoofinta ariga ee waqtiga Xajka iyo inuu Bangiga sii Xoojiyo mudnaanta uu horayba usiin jiray dhoofka Xoolaha Soomaliya ee waqtiga Xajka.