Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed mudane Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay wehelinayeen Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub tariminaalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Xudur oo dhismihiisa lasoo gabagabeyey.
Dhismaha tariminalka cusub ee garoonka Xudur ayaa qeyb ka ah qeybta VIP-da oo si qurux badan loo dhisey iyo qeybaha kale ee tariminaalka uu ka kooban yahay.
Munaasabada kooban oo xariga looga jarayey dhismaha tarminaalka ayaa ka dhacday gudaha garoonka Diyaaradaha magaalada xudur, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sanataro, Wasiiro, Lataliyaal, Saraakiisha Ciidamada, Madaxda maamulka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur, Odoyaasha, haweenka iyo marti sharaf kale .
Madaxweyne Lafta gareen oo munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay dadaalada dowlada ay ku bixinayso hirgelinta adeegyada ay ubaahanyihiin Bulshada.
“Sharaf ayay noo tahay in maanta xariga ka jarno tarminalka cusub ee garoonka diyaarada magaalada xudur ,waa wax aad u weyn oo wax qabad leh in isku tashi lagu dhiso tarminaalkan oo baahi weyn ay uqabeen bulshada, bulshada wax kasta ay rabaan ee la qaban karo waa qabaneynaa, tanna waa mid ka mid ah guulaha Dowlada iyo shacabka qabteen, Gudiga isxilqaan, Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo shacabka wey ku mahadsanyihiin isxilqaanka ay sameeyeen.”
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku amaaney dhamaan madaxda maamul ka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur iyo dhamaan bulshada doorka ay ka qaateen iyo sida shacabka Bakool u garab taagan yihiin Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed