Lafta-Gareen Oo Saraakiisha Ciidanka Faray Inay Billaabaan Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab

3

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed  Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa kulan la qaatay sarakiisha Ciidanka xooga dalka qeybta 60aad oo horkacayey taliyaha qeybta 60aad CXD Generaal Maxamed shekh Cabdulaahi Ciirow.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guutada 9aad Qeybta 60aad iyo Taliyaha Qeybta 60aad CXD ka dhagaystay Warbixin ku Qotonta Xaalada Ciidanka Xooga Dalka iyo Howlgalada ay Fuliyaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Sarakiisha Ciidanka Xooga Dalka uga Mahadceliyey shaqa adag ee ay uhayaan Shacabka.

“Waan idinkaga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee aad uhaysaan shacabka gobolka bakool waxaa muhiim inaad bilowdaan howlgalada ka dhanka ah alshabaab iyo dhibaatooyinka haysta shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool gobolka bakoo”ayuu yiri Lafta-gareen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Faray Saraakiisha Guutada 9aad qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka inay bilaaban Howlgalo ka dhan ah Argigixisada Alshabaab.