Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland?

2

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada Jubaland oo ka qabsoomau Magaalada Kismaayo

Shirka ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladaha amni ee degaannada Jubbaland, abaaraha iyo arimaha doorashooyinka dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa ay siiyeen warbixino la xiriira waxyaabihii u qabsoomay iyo Shaqooyinka u qorsheeysan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa faray Xubnaha Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada.