RW Rooble Oo Warbixin Ka Dhageystay Wasiirka Qorsheynta Xukuumaddiisa

12

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumairnta dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha oo soo kormeeray xafiisyadda shaqadda iyo qeybaha kala duwan ee wasaaradda.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Ibraahim macalimuu oo qoraal soo saaray kadib kormeerka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn Rooble uu yahay in  howlaha hirgalinta doorashooyinka dadban ee dalka ka bilowday in hakad iyo hoos u dhac midna uusan ku imaan adeegyada dowladda.

“Isaga oo diiradda saaraya howlaha hirgalinta doorashooyinka dadban ee dalka ka bilowday ayuu dhanka kale Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uu xoogga saarayaa in aanu hakad iyo hoos u dhac midna ku imaanin adeegyada dowladda sidaa awgeed waxa uu maanta kormeeray Wasaaraddo iyo xarunta DowladdaHoose ee Xamar” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Waxaana sidoo kale RW Rooble uu warbixin ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo Mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda ka ka dhagaystay Wasiirka Qoraheynta Wasiir Jamaal , Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda.