Puntland Oo Ka Hadashay Dab Baabi’iyey Xarun Warshad Oo Ku Taalla Boosaaso

9

Dab aad u xoogan ayaa barqanimadii Maanta ka kacay Xarun Warshada Isbuunyada Tabaarak ay ku leedahay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana dabkaas uu socday saacado xiriir ah, balse markii dambe la demiyay.

Dabka ayaa waxaa gebi ahaan ku gubtay Matooro iyo qalab kale oo lagu sameeyo Isbuunyada oo yaallay Xarunta, isla markaana waxaa deminta dabkaas xoogan ku guuleystay gaadiidka dab demiska dowladda Hoose ee Boosaaso iyo dadweyne badan.

Duqa Magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera dile) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabka ka kacay Xarunta Warshada Isbuunyada Tabaarak uu geystay khasaaro farabadan oo hantiyadeed, balse uusan geysan mid nafeed.

Waxaa uu sheegay Cabdiqani in dadaalo kala duwan oo la sameeyay lagu guuleystay deminta dabka oo socday saacado xiriir ah, wuxuuna tilmaamay in dabka uu baabi’iyey gebi ahaan wixii yaallay Xarunta Warshada ee agab ahaa.

Duqa Boosaaso ayaa xusay inay ka hortageen in dabka uu ku faafo guryo ka Agdhawaa Xarunta Warshada, sidoo kalena waxaana Maamulka Warshada Tabaara uu sheegay inuu gaaray khasaaro hantiyadeed oo farabadan.