Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Xil Cusub U Magacaabay Bashiir Goobe

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xil cusub u magacaabay Taliyihii KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda xilgaarsiinta, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo xilkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa Bashiir Goobe horey ugu magacaabay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, xiligii uu taagnaa khilaafkii u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Magacaabidan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenki jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.