R/Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Kenya.

4

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya Mudane Khaalid Cabdalla Alsalmaan.

Qoraalka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya Mudane Khaalid Cabdalla Alsalmaan uu dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda Sacuudiga iyo Boqor Salmaan uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya.