Guddiga doorashada oo soo saaray qorshaha howlgalka doorashada golaha Shacabka

0
Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal ayaa soo saaray qorshaha lagu howlgalayo ee doorashada Golaha Shacabka, sida qaabka soo xulida ergada meelaha deegaan doorashada ah, shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kuraasta, tirada ergo ee dooraneysa kuraasta taala dowlad goboleedyada iyo deegaan doorashadooda, cod bixinta oo soconeyda 20 maalmood.
Qorshaha howlgalka doorashada kama dhigna jadwalka doorashada, balse waxaa ay u muuqataa qorshe bilow u ah howlaha doorashada iyo sidii loo ambaqaadi lahaa.