Wiil Soomaali ah oo ku guulaystay inu kamid noqdo xildhibaannada Golayaasha Deegaanka Talyaaniga.

3

-Cabdullaahi Axmed Macallim, oo ah wiil dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa habeenkii Isniinta noqday qofki ugu horreeyay oo mihiijir ah oo ka mid noqdo xildhibaannada Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi, ayaa ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, kaddib marki ay sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga.

Cabdullahi Axmed Macallin ayaa dalka Talyaaniga tahriib ku galay sanadkii 2008dii.Nur Xasan Nur, ayuu xalay ugu warramay khadka telefoonka.