Uganda oo ciidamo dheeraad ah u soo diraysa Soomaaliya

26

Dowladda Uganda ayaa Khamiistii sheegtay in ay Soomaaliya u soo direyso ciidamo Boolis ah oo kusoo biiraya kuwa hadda ka qeyb qaadanaya Howlgalka AMISOM.

Taliska Booliska Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay tiradoodi dhan tahay ilaa 160 askari iyo saraakiil kuwaasi oo lix bil tababar qaadanayay sidii ay uga mid noqon lahaayen AMISOM.

Booliska Uganda ayaa sheegay in ay Bisha December ay soo gaari doonaan Soomaaliya waxaan lagu dabaacay barta Twitterka ay ku leeyihiin.

Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee Soomaaliya jooga kana qeyb qaadanaya Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.