Taliye Xijaar oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Booliska Afrika

51

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee Kinshasa kaga qaybgalay meertada 23-aad ee shir sannadeedka Ururka Iskaashiga Madaxda Booliiska Bariga Afrika.

Shirka aya sanadkaan waxaa looga hadlayey isdhaafsiga xogaha amni & iskaashiga Booliska ee dalalka ka tirsan Ururka Iskaashiga Booliska Afrika.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shirka waxaa uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, tayeynta & qalabeynta Ciidamada Booliska iyo sugida Amniga doorashooyinka ka socda dalka.

Taliye Xijaar ayaa waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho Saraakiisha sar sare ee ka socota Booliska dalalka Afrika, isaga oo kala hadli doona sidii ay u taageeri lahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliya.