Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga magaalada Guriceel oo maanta xiran

3

Waxaa Maanta inta badan Albaabada loo laabay Bakhaarada Raashinka noocyadiisa kala duwan lagu iibiyo ee ku yaal degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad gboleedka Galmudug.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneeynayaa sababo la xiriira xiisad kacsanaan ah oo maanta laga dareemayo magaalada, taasi oo u dhaxeysa ahlu-sunnah iyo ciidamada dowladda.

Ciidamada xoogaga Ahlusunna ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel ayaa waxaa ka barakacayay dadkii ugu badnaa, waxaana la sheegay inay ka barakaceen in ka badanĀ  Kun qoys, kuwaas oo haatan barakac ku ah degaano hoostaga degmada Guriceel.