Barakac xoog leh oo ka socda Guriceel iyo cabsi laga qabo dagaal

1

Degmada Guriceel waxaa ka jirto xaalad Cabsi ah taas oo ay soo food saartay dadka ku nool xaafadaha degmadaasi ay ka kooban tahay, iyagoo sameenaya barakac xoog leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna ay difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha Guriceel islamarkaana ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Shacabka qaar ee ka barakacay xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel, Tawakal iyo kuwa kale ayaa gaaray maanta degaanka Ceelbaraf oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

In ka badan 50 qoys ayaa ka barakacay Guriceel, kuwaas oo cabsi Xoog leh ka qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo Guriceel ku sugan kuwaas oo dhawaan qabsaday.

Warar ayaa sheegaya inĀ  degmada Guricee gudaheeda laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ahlusunna si ay isaga difaacaan hadii weerar uu kaga yimaado dhanka Galmudug iyo Dowladda Ciidamo ka tirsan.

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo kan degmada Guriceel ayaa horey u sheegay iney ka go,an tahay gacanta ku heynta degmadaas oo hore gacantooda si nabad ah ugu baxay iyagoo sheegay iney duulaan ku yihiin.