Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

21

Qarax khasaaro badan dhaliyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxasi.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Degmada Yaaqshid ee Gobolkani Banaadir, gaar ahaan aga-gaarka Isgoyska Fagax.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay sida la sheegay Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, iyadoo wararku intaas ku darayaan in la beegsaday goob ay dhalinyaro ku cayaarayeen dibnad, waxaana ku dhintay dhowr qof oo shacab ah, sida wararku sheegayaan.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen Qaraxa, sida ay sheegayaan warar hoose oo aynu helnay, waxaana Cusbitaalada loola cararay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi ismiidaaminta ahaa.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka qaar ee Gobolkani Banaadir.

Ciidmada ammaanka ayaa xiray isku socodka guud waxaana socda baaritaanno ay sameynayaa Ciidanku,iyadoo ay adagtahay in la ogaado xogta rasmiga ah ee Qaraxa maaddaama halkii ay wax ka dhaceen ay xireen Ciidanka ammaanku,kuwaasi oo goobta gaaray Qaraxa kadib.