Qoor Qoor oo kulan looga hadlayay amniga la qaatay Saraakiil ka socotay AMISOM.

1

adaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay  Taliyaha ciidanka Amisom iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha iyo dhinacyada ka socda AMISOM ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka si guud  iyo Amniga deegaanada Galmudug.

Kulanka kadib, Saraakiishii ka socotay Howlgalka AMISOM ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey iney ka dhacdo Dorashooyinka xildhibaanada ee Magaalada Caasimadda ah ee Dhusamareeb.

Ugu dambeyn Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhankiisa ugu warbixiyay Saraakiisha halka ay marayaan dadaalada ay wadaan ee ku aadan Doorashooyinka, isagoo ugu mahadceliyay garab istaaga walaaltinimo ee AMISOM la garab taagan tahay guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug, waxaa uuna Ku ammaanay howlgalada iyo dagaalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha AL-Shabaab.