Fiqi oo si faah faahsan uga hadlay Dagaal ka dhan ah Ahlusunna ee laga abaabulayo Galmudug

9

Wasiirkii amniga Galmudug ee is Casilay Axmed Macalin Fiqi oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug iyo arrinta sababtay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Fiqi ayaa sheegay in markii hore Galmudug u tageen horumarinta deegaanadeeda iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen midnimada dadka, kadib dagaal iyo khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay Axmed Qooroor ee ka dhacday Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay Axmed Macalin Fiqi inuu sigaar ah uga shaqeeyay qaadista Isbaarooyin badan oo yaallay degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo dadka deegaanka iyo gaadleyda lagu dhibaateyn jiray, isla markaana maleeshiyaadkii dhigtay Isbaarooyinka lagu biiriyay Ciidanka dowladda, lana siiyay tababaro.

Fiqi ayaa Carabka ku dhuftay in Qoorqoor ay ku ballameen in Maamulka Galmudug laga dhigo maamul ka madax banana Villa Somalia oo danaha dadkiisa iyo horumarka ka shaqeeya, balse taas aysan dhicin oo uu Madaxweynaha sanad iyo barkii lasoo dhaafay uu ku mashquulsanaa siyaasadda Madaxtooyada Soomaaliya.

Dagaalo culus ayuu sheegay Fiqi inay Al-shabaab kula galeen degaano ka tirsan Galmudug oo ugu weynaa dagaalkii khasaaraha badan geystay ee ka dhacay Koonfurta Mudug gaar ahaan Magaalada Camaara, kaasi oo ay ka taageereen Mareykanka.

Madaxweyne Qoorqoor ayuu ku eedeeyay in dagaalka Al-shabaab uu ku fiirsaday dadka iyo Ahlusunna Waljameeca, wuxuuna sheegay in Ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gorgor ka dalbadeen dowladda, si loogu xoojiyo Ciidanka dagaalka ku jira, balse taas aysan dhicin oo la qorsheeyay in lagula dagaalamo Ahlusunna oo qabsatay Magaalada Guriceel.

Sidoo kale Fiqi ayaa tilmaamay Qoorqoor uu isku dayay inuu ku qanciyo inuu ka qaabsado dagaal uu ku qaado Ahlusunna, balse uu diiday,  wuxuuna si Cad u sheegay in Taliyaha Booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole uu Dhuusamareeb u tegay inuu weeraro Ahlusunna, waa sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inuu hoggaanka Ahlusunna Macalin Maxamuud kala hadlay in wadahadal lagu dhameeyo wax kasta oo jira, uuna u sheegay in Qoorqoor ay dad u direen, hayeeshee lagu gacan seyray arrintaas, isagoona xusay in dagaalka xiligaan lagu soo aadiyay uu yahay mid lagu doonayo in Colaad iyo dagaal lagu abuuro, dibna loo dhigo doorashooyinka ka dhacaya Galmudug.

Ugu dambeyn Fiqi ayaa Madaxweyne Axmed Qoorqoor ugu baaqay inuu joojiyo abaabulka dagaal ee ka dhan ah Ahlusunna Waljameeca, uuna horseedin bakarac iyo Colaad, isla markaana uu qabto doorashada Golaha Shacabka, lana dhameystiro tan Aqalka Sare.