Ciidanka Dowladda oo degaano ka fuliyay howlgal lagu soo saaray Miinooyin

4

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo miino baaris ah ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaannada Sabiid, Caanoole iyo Mareerey oo hoos-yimaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa waxay halkaasi ka soo saareen dhowr miino oo ay ku eedeeyeen in dagaalamayaasha Al-shabaab ay wadada ku aaseen, waxana sidoo kale isla goobta lagu bur buriyay miinooyin kale.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka la fuliyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in marar badan qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah ay ka dhaceen Shabeellaha, Hoose isla markaana khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa marar kaal duwan howlgal lagu soo saaray miinooyin sidaan oo kale uga fuliyay deegaano, waxaana xusid in Gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay Gobolka ugu amniga xun Gobolada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.