Kenya oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka ICJ ee kiiska Badda

8

:Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka baxday kiiska badda ee Soomaaliya kala dhaxeeyay iyadoona tilmaamtay in aysan aqoonsan doonin xukunka maxkamadda ICJ.

Xoghaya Wasaaradda arrimaha Dibadda Kenya ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay kiiskan aamin-sanyihiin in lagu xallin karo wada hadal dhex mara labada dal.

Hadalka Kenya ayaa ku soo aadaya xilli Maxkamadda ICJ ay 12-bishaan ku dhowaaqeyso go’aanka kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.