Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen bar kontorool oo ay ciidamo Hindi ah ku leeyihiin gobolka Kashmiir qeybta Hindiya maamusho.
Warbaahinta ayaa laga soo xigtay in dadka geeriyooday oo 3 ka mid ah ay askar ahaayeen ay ku jiraan dad rayid ah oo ka ag dhawaa goobta weerarku ka dhacay
Dawlada Hindiya waxay ku eedeysay weerarkaas kooxo hubeysan oo gobolka ka dagaalama kuwaasoo la sheego inay dawlada Pakistan taageero ka helaan.