Shariif Sheikh Axmed miyuu wareejinayaa Xilka Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta?

10

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shirk ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo shirka ay kasoo qayb galeen dhammaan xubnaha ku mideysan Midowga.

Shirka ayaa waxaa Guddoomiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad, iyadoo inta shirku intii uu socday looga hadlay arrimo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxyaabaha sida gaar ka ah shirka loogu faaqiday ayaa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dedejin lahaa hawlaha doorashooyinka.

Shirkaan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Golaha Midowga Musharixiinta ayaa imaanaya, iydoo ay jiraan warar hoose oo soo baxaya oo sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha in uu iska wareejin doono xilka uu hayo.

Inkastoo aysan jirin ilaa iyo hadda war rasmi ah oo arrintaasi ku aaddan, haddana saacadihii ugu dambeeyay waxaa la isla dhexmarayay, wararka ku aaddan in Shariif Sheikh Axmed uu xilka iska wareejinayo.