RW Rooble oo ka hadlay dadkii rayidka ahaa ee Somaliland kasoo musaafurisay Laascaanood.

4

Ra’iisul Wasaaraha XS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay boqolaalkii ruux ay Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada Laascaanoor ee Gobolka Sool, isagoo nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyay degmada Laascaanood, falkaas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bulshada Magaalada Laascaanood ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan falkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo saaray dhul Soomaaliyeed taas oo uu ku tilmaamay mid ceeb ah.

Talaabadaan Ciidamada Somaliland ay kusoo musaafuriyeen dad kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed waxaa hore ugu  hadlay, Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka.

Dadka Soomaaliland ay kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood oo gaaraya in ka badan 70oo Ruux ayaa waxaa ay soo gaareen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Dadka laga soo musaafuriyay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 700 boqol oo ruux, kuwaas oo iskugu jiray Haween, Caruur, dad waayeelo ah iyo Ganacsato halkaa in badan deganaa.